Somaliportal.dk er et mødested for somaliere bosat i Danmark med fokus på medborgerskab,media, dialog,integration.Her kan man også somaliTV.
Kontakt Ali Nuur for mere information: ali@nuur.dk
Munaasabadda 1da luulyo waxay billaanaysaa saacaddu markay tahay 4ta galabnimo ilaa 8da fiidnimo, waxaan lagu qaban doonaa Foreningernes Hus, Norgårdskolen, Brabrand. Halkaan kala soo bax martiqaadka: qaranimo.pdf
Maalinta axadda ah oo bisha Luulyo tahay 1da, ayaa qowmiyadda Soomaaliyeed ee Dalka Deenmaark qaban doonaan xaflad ballaaran oo si fiican loo soo agaasimay.
Qabanqaabintaas oo lagu xusayo munaasabadda qiimaha iyo qaayaha leh ee 1da Luuliyo oo ah maalinta xoriyadda iyo madax-banaanida qaranka soomaaliyeed oo ka ay ka soo wareegtay sanadguuradii 52aad, marka laga soo bilaabo 1da Luulyo 1960kii.
1da Luulyo waa maalinta ugu muhiimsan taariikhda soomaaliyeed, maxaa yeellay maalintii talyaanigu xornimada siiyey Soomaaliya. Waxa kale oo ay caan ku tahay maalintaasu in ay aheyd maalintii labadii mustacmaradood ee Britain iyo Italy ay sameysteen midow, halkaas oo la unkay jamhuuriyad la magac baxday Somali Republic. 26kii juun ayey ”Somaliland” ka qaadatay xornimadeeda boqortooyadii Britain.
Afar maalmood ka dibna waxay si shuruud la'aana xornimadoodii ugu tiirsadeen koofurta soomaaliyeed. Halgamayaashii xornimada naftooda iyo maalkoodaba usoo huray waxa ay himiladoodu aheyd in la helo 5 somaliyeed oo isweheshada, kuna dhisan cadaalad iyo horumar. Taasna meesha ay martay waa la wada yaqaanaa. Goob joog noqo maalintaas taariikhdeena laga hadlayo
Waxaan rajeynneynaa in dhammaanba dadka soomaaliyeed ee ku nool Århus iyo qeybaha kale ee waddankaaniba ka soo qeyb-qaataan munaasibadaan weyn. Waxaa halkaas la soo qorsheeyey in ilmaha madadaaliyo.
Shirka saddex qaybood baa culays la saarayaa:
(a) Taariikhda soomaaliyeed
(b) Suugaanta soomaaliyeed
(c) Dhaqanka iyo hidaha soomaaliyeed.
Comment
Comment by abdisalam ali farah on July 3, 2012 at 2:02am hambalyo ayaan leeyahay umadda soomaliyeed meelwalba ay joogto waana maalin aad qaali ugu ah umadda soomaliyeed,waxaana halkaan mahad badan uga jeedinayaa dadkii soo abaabulay iyo intii gacanta ka gaysatayba,waxaana alle ka baryayaa in sanadkan sanadkiisa kale aan xafladan qiimaha leh ku dhiganao wadankeenii oo nabad ah, bash-bash iyo barwaaqana nagu gaarsiiyo,,,aamiim inoo dhaaha, ,,Aamiin,,,,aamiin,,,,,,,,,,,,
Comment by Amran Mohamed Othman on July 1, 2012 at 10:22pm © 2013 Created by Ali Nuur.

You need to be a member of Somaliportal.dk to add comments!
Join Somaliportal.dk